| ::Wararka Kale/Other News:: |
| Gaadhigii gaar ka ahaa ee Wasiirka Maaliyiada Puntland Gaagaab oo usoo galay maamulka Somaliland. |
Waxaa galabta usoo galay maamulka Somaliland ee Gobolka Sool gaadhigii uu gaarka u lahaa wasiirka maaliyada maamul Goboleedka Puntland ee Somalia Maxamed Yuusuf Gaagaab gaadhigaas oo soo maray wadada laamiga ah iyadoo ay wateen dhalinyaro kuwaas oo kamid ahaa kuwii ilaalada u ahaa.
19-Jul-2008 ::Warkii oo dhan:: |
| |
| War Deg Deg Ah: Tikniko ka Baxsatay Laascaanood oo Garoowe Gaadhay iyo Qaar wadada Kusii Jira |
Sadex askari oo ka tirsan Ciidamada Maamulka Somaliland iyo gaadhi qori saran yahay ayaa saaka soo gaadhay xarunta Puntland ee Garoowe , askartaasi oo Puntland ku sheegtay kuwa xalaala oo ay iska dhaleen hooyo iyo aabe Puntlanders ah waa sida ay hadalka udhigeene saraakiisha Ciidamada Puntland …………………………
19-Jul-2008 ::Warkii oo dhan:: |
| |
| Banki Moon Oo Warbixin Kasoo Saaray Heshiiskii Dhowaan Lagu Gaaray Dalka Jabuuti islamrkaana Ku Baaq |
Xoghayaha Qarmada Midoobay Ban ki Moon ayaa soo saaray warbixin ka hadlaysa meelmarinta Heshiiskii dhowaan lagu gaaray dalka jabuuti ee ay kala saxiixdeen dowlada KMG ah iyo Ururka Dib U Xoraynta soomaaliya islamrkaana shaaca ka qaaday in Heshiiskaasi uu Meel marayo Hadii ay Ciidamada Ethiopia dalka soomaaliya isakaga baxaan taasina ay tahay Mid Lagama Maarmaan ah .
19-Jul-2008 ::Warkii oo dhan:: |
| |
| Gudoomiyaha Gudiga Warfaafinta Dibu-xoreynta Soomaaliya mudane Saleebaan Colaad Rooble oo wareysi |
Gudoomiyaha Gudiga Warfaafinta iyo Wacyigelinta Golaha dhexe ee Isbahaysiga Dibu-xoreynta Soomaaliaya Mr. Saleebaan Colaad Rooble oo shir jaraa’id ku qabtey Hoteel IMPERIAL ee Caasimada Dalka Jabuuti ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegey waqtiga ugu dambeeya shirkii labaad ee Golaha Isbahaysigooda, qodobada ugu muhiimsan Ajendayaashooda iyo xiliga oo soo gebageboobayo.
18-Jul-2008 ::Warkii oo dhan:: |
| |
| Maamulka Puntland oo maanta ka bilaabay magaalada Garowe bersol fiiqid baabuurta ah. |
Maamul Goboleedka Puntland ayaa waxa uu maanta ka bilaabay magaalada Garowe bersol fiiqid uu ku samaynayo baabuurta ay ku xidhan yihiin bacaha loo yaqaan bersolka kuwaas oo ay ciidamada Police-ka gaar ahaana kuwa wadooyinku ay bilaabeen maanta inay fiiqaan baabuurta ay ku xidhan yihiin bersolku.
18-Jul-2008 ::Warkii oo dhan:: |
| |
| Dagaal ka dhacay Gobolka J/hoose oo ay ku dhinteen dad gaadhaya 10 qof iyadoo tiro intaa ka badana |
Waxaa laba maleeshiyo beeleed oo ku dagaalamaya meel qiyaastii magaalada Kismaayo 100km u jirta kagana beegan Galbeedka ku dhexmaray dagaal keenay khasaare xoogan dagaal kaas oo ku bilaabmay si kadis ah kadib waan waan maalmihii lasoo dhaafay laga dhex waday labada beelood ee halkaasi wada dega iyadoo ay kala tirsanayeen aanooyin hore.
18-Jul-2008 ::Warkii oo dhan:: |
| |
| Xiisado colaadeed iyo dhaqdhaqaaqyo militery oo laga dareemayo Gobolka Sanaag. |
Waxaa maalmihii lasoo dhaafay laga dareemayaa Gobolka Sanaag gaar ahaana barriga sanaag xiisado colaadeed iyo dhaqdhaqaaq militery kaas oo ay samaynayaan ciidamada maamulka Somaliland iyo Puntland oo Gobolkaasi mid waliba gaar ahaan u sheeganayo inuu ka tirarsan yahay maamulkiisa.
18-Jul-2008 ::Warkii oo dhan:: |
| |
| Qormada Maanta ee Afnugaal::- Jamhuuriyadda Jabuuti Way Istaahishaa in Loo Fidiyio Gacan Walaalnimo |
Xukuumada Somaliland ayaa deeq xooleed oo Adhiya u fidisay Jamhuuriyadda Jabuuti ee aynu jaarka nahay maalmihii la soo dhaafay, taasina waxay muujinaysaa siday xukuumadu ugu dedaalayso inay dalalka jaarkeeda ka kasbato daris wanaag , xidhiidh saaxiibtinimo oo fure u noqon kara dariiqii ay Somaliland u maraysay inay aqoonsi ka hesho beesha caalamka................
17-Jul-2008 ::Warkii oo dhan:: |
| |
| Wasiirka Amniga PL Oo Sheegay Inay Maxakmad Soo Taagi Doonaan 9-Nin Oo U Dashay Cadaado Iyo Guriceel |
Rag dhalinyaro ah oo ka kooban 9-xubnood islamrkaana kasoo jeeda degmooyinka Guray-ceel iyo cadaado ayaa la sheegay in laga qa qabtay degmada gaalkacayo ee maamul goboleedka Punt-land taasoo la sheegay in Loo dhaahdiciyey magaalada boosaaso iyadoo ay maamulka punt-land sheegeen inay maxakamada soo taagi doonaan.
17-Jul-2008 ::Warkii oo dhan:: |
| |
| Dagaal Faraha Lagaga Gubtay Oo Xalay Mar kale ka Dhacay Deegaanka Towfiiq Ee Degmada yaaqshiid |
Dagaal Xoogan Oo gacanta laysula tegey ayaa habeenkii xalay ahaa ka dhacay Xaafada Towfiiq ee degmada yaaqshiid dagaalka oo u dhexeeyey Ciidamada Dowlada KMG ah iyo Xoogaga maxaakiimta islaamka soomaaliyeed islamrkaana gaystay khasaare Baaxad leh oo dhimasho iyo dhaawac ah .
17-Jul-2008 ::Warkii oo dhan:: |
| |
| Axmed Walad cabdalla Oo Wax Laga Xumaado Ku Tilmaamay Dilalka Loogu Gaysanayo Gudaha Soomaaliya Mada |
Ergeyga Qaramada Midoobay U Qaabilsan arimha soomaaliya Axmed walad cabdalla ayaa Wax Laga xumaado Ku tilmaamay dilalka lala beegsanayo madaxada hay,adaha samafalka ee ku sugan wadanka Soomaaliya Gaar ahaan caasimada Muqdisho iyo nawaaxigeeda taasoo uu sheegay inay Sii kordhinayso xaalada Aaman xumi ee ka jirta Gudaha soomaaliya .
17-Jul-2008 ::Warkii oo dhan:: |
| |
| Kooxda baasidka ee Laascaanood oo martay wadadii xulka dalka spain |
Kooxda basketka ayaa ku guulaysatay tartanka kooxaha gobolka sool oo mudooyinkii ugu danbeeyay ka socday magaalada laascaanood gaar ahaan garoonka cabdi bille cabdi stadium, kaas oo ay soo qabanqaabisay wasaarada sportiga iyo dhalinyarada ee somaliland.
17-Jul-2008 ::Warkii oo dhan:: |
| |
| Nin kamid ah taageerayaasha kooxda Al-Shabaab oo maxkmada Boosaaso ku xukuntay 12 sano oo xadhig ah. |
Waxaa maxkmada daradaja koowaad ee magaalada Boosaaso ku xukuntay 12 sano oo xadhig nin la sheegay inuu taageero u ahaa kooxda Al-Shabaab oo dagaal hubaysan kula jirta Dawladsa KMG ah ee Somalia iyo ciidamada Dalka Ethiopia dagaalkaas oo ay sheegeen inuusan soo afjarmayn inta ciidamada Dalka Ethiopia ka baxayaan ciida Somalia.
17-Jul-2008 ::Warkii oo dhan:: |
| |
| Hambalyo Aroos mudane Axmed Maxamed Daahir iyo marwo Maryan Xuseen Maxamed |
Dhamaan Reer Xaaji Mahad Xaaji Yuusuf & Reer Aw Cabdi waxay Tahniyad iyo Bogaadin ugadiraynaa mudane Axmed Maxamed Daahir iyo marwo Maryan Xuseen Maxamed oo Arooskoodu ka dhacay Abudabay tariikdumarka ahayd 15/07/2008
16-Jul-2008 ::Warkii oo dhan:: |
| |
| Ciidamo gaadhaya 4000 kun oo askari oo maanta soo gaadhay magaalada Baydhabo. |
Waxaa maanta soo gaadhay magaalada Baydhabo ee xarunta Baarlamaanka Dawlada KMG ah ee Somalia ciidamo gaadhaya 4000 kun oo askari kuwaas oo gashan magaca Dawlada KMG ah ee Somalia ayna masuuliyiinta Dawladu sheegeen inay yihiin ciidamadii ugu horeeyay ee intaa le'eg oo u yimaada Dawlada KMG ah ee Somalia kuwaas oo tababar uga soo baxa.
16-Jul-2008 ::Warkii oo dhan:: |
| |
| Midawga maxaakiimta Islaamka oo soo afjaray khilaafkii hadheeyay kuna heshiiyay magaalada Sanca. |
Midawga maxaakiimta Islaamka ayaa waxa ay soo afjareen khilaaf ragaadiyay hab uscodka shaqadooda kaas oo ka kala dhigay inay noqdaan labo garab oo iska soo horjeeda kuna kala qaybsan afkaarta ay kala aaminsan yihiin iyadoo khilaafkaasi uu noqday marba marka ka danbaysay inuu sii waynaado iyadoo eedaymaha la isu marinayo saxaafada.
16-Jul-2008 ::Warkii oo dhan:: |
| |
| Dagaal Culus oo dhexmaray Shalay Ciidamada Huwanta iyo Ciidamada Xaq udirirka Soomaaliya Deg. Bardaa |
Dagaal aad u xoogan oo la’isu adeegsaday hubka culculus ayaa waxaa uu shalay 2 jeer ka dhacay duleedka degmada Bardaale ee Gobolka Baay kaas oo dhex maray Ciidamada Xaq udirirka Soomaaliyeed iyo Ciidmada dal balaadhsiga Itoobiya oo galbinayay ciidamo Reer Puntland ah oo lagu soo tababaray dalka Itoobiya.
16-Jul-2008 ::Warkii oo dhan:: |
| |
| Ma Ogtahay In Ismaaciil Cumar Geelle Laaluush Ku Bixiyey Laanta Afka Soomaliga Ee Idaacadda B.B.C-da |
Madaxweynaha maamulka Jibouti Ismaaciil Cumar Geelle Batal ayaa markii uu xilka maamulka Jibouti qabtay wuxuu xidhiidh toos ah la yeeshay maamulka iyo weriyayaasha Idaacadda laanta afka Soomaliga ee B.B.C-da, wuxuuna Maamulaha Jibouti Ismaciil Cumar Geelle siiyay dhawr xubnood oo ka tirsan idaacadda laanta afka Soomaaliga ee B.B,C-da dhalashada Jamhuuriyadda Jibouti.
15-Jul-2008 ::Warkii oo dhan:: |
| |
| ISIMADA MGP OO KASOO HORJEESTAY DACWADII CADDE EE XILDHIBAANADA |
Waxaa shalay oo bishu ahayd 14/7/2008 kasoo baxay bayaan isimada MGP qaar kamida baaqaan oo kusaabsanaa dacwad uu cadde muuse kasoo gudbiyay qaar kamida xildhibaanada.
15-Jul-2008 ::Warkii oo dhan:: |
| |
| Ciidamada Police-ka magaalada Laascaanod oo hawlgal ay dad kusoo qabqabteen ka wada gudaha magaalada |
Waxa habeenimadii xalay ka dhacay gudaha magaalada Laascaanood fal isku day dil kaas o lagu bartil maansaday Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Sool Maxamed Faarax Indho Buur falkas oo an ilaa hada an la ogayn cidda rasmi ahaan uga danbaysay falkan kaas oo lagu bartilmansady Gdoomiyaha xilli u kasoo baxay salaada cishaha.
15-Jul-2008 ::Warkii oo dhan:: |
| |
| Maleeshiyo Beeleed la wareegay gacan ku haynta Kaantoroolada magaalada Garowe. |
Waxa la wareegay kaantoroolada magaalada Garowe maleeshiyo beeleed kasoo jeeda magaalada Garowe kuwaas oo ka cabanaya maamul Goboleedka Puntlasnd ee Somalia oo mudooyinkii udanbeeyay ay ku timi habacsanaan dhanka maamulka ah iyadoo maleeshiyadan qabsatay ay ka cabanayso mushahar la'aan soo wajahday.
15-Jul-2008 ::Warkii oo dhan:: |
| |
| Maraakiib Dagaal oo loo diray Budhcad Badeeda Somalia |
Ciidanka Badda ee Dalka Canada ayaa shaaca ka qaaday in ay 3 markab oo kuwa dagaalka ah, oo ku qalabeysan hub casri ah u direen xeebaha Geeska Africa, gaar ahaan kuwa Soomaaliya.
14-Jul-2008 ::Warkii oo dhan:: |
| |
| Madaxtooyada Somaliland Dhambaal Tacsi |
Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu Dhambaal tacsi ah u dirayaa Qoyskii iyo Qaraabadii iyo shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u Naxariistee Marxuum Ugaas Jaamac Ugaas Muxumed Ugaas Cilmi oo Maanta ku geeriyooday Magaalada Boorame ee Gobolka Awdal.
14-Jul-2008 ::Warkii oo dhan:: |
| |
| Waa Sidee Xaalada Dadka U barakacay Deegaanada U Dhexeeya Afgooye Iyo Muqdisho |
Waxaa isa Soo taraya Qaylo dhaanta Biyo la,aaneed ee kasoo baxaysa dadka U barakacay deegaanada Duleedka caasimada Muqdisho kadib markii ay shaqo Joojin samaysay Hay,ada daryeel Bulsho Guud oo marka lasoo gaabiyo loo yaqaano DBG taasoo dhowaan lagu diley ku xigeenkii madaxa hay,ada deegaanka Ceelasha Biyaha islamrkaana ay ku dhawaaqeen inay iskaga baxayaan gudaha soomaaliya .
14-Jul-2008 ::Warkii oo dhan:: |
| |
| Hawlgal aan horay loosii shaacin oo ciidamada Somaliland ku gaadheen Tuulada Gambadhe. |
Waxaa saaka gaadhay deegaanka Gambadhe oo dhanka barri ka xiga magaalada Laascaanood 30km ciidamada Somaliland iyadoo deegaankaasi uusan ahayn deegaan ay gacanta ku hayaan maamulka Somaliland waxaana hawlgalka ay saaka ku tageen deegaankaasi ciidamada Somaliland ka qayb qaatay hub tikniko ah oo kor udhaafaya 30.
14-Jul-2008 ::Warkii oo dhan:: |
| |
| Tahniyad Aroos oo ku socota Maxamed Jaamac Saadle iyo Marwadiisa Farxiya Fabdi Axmed. |
Aniga oo ah Khadra Cawil Maxamed(cawil fallen) waxaan halken hambalyo iyo bogaadin uga dirayaa walaalkey Maxamed Jaamac Saadle iyo Marwadiisa Farxiya Cabdi Axmed.Waxaan leeyahy kuwii isku waara wiil iyo Caano noqda alla ha idinka dhigo Aamiin Aamin Aamiin !!
13-Jul-2008 ::Warkii oo dhan:: |
| |
| Cutubyo Ciidamada Golaha Maxaakiimta islaamka Soomaaliyeed Oo Soo Buux dhaafiyey Magaalada Baardheer |
Cutubyo ka socda Xoogaga Maxaakiimta Islaamka Soomaaliyeed ayaa shalay galab gaabkii soo gaaray magaalada baardheere ee Gobolka gedo kuwaasoo ku hubaysnaa hubka noocyadiisa kala duwan islamrkaana saldhig ka samaystay halkaasi iyagoo sheegay inay amaanka wax ka qaban doonaan islamrkaana Gaashaanka U daruuray in ciidamo aan iyaga ahayn aysan ka Jiri karin degamadaasi iyagoo Diidmo qayaxan ka muujiyey ciidamo Boois ah oo la sheegay inay ka jireen halkaasi .
13-Jul-2008 ::Warkii oo dhan:: |
| |
| Warar iskhilaafsan oo kasoo baxaya magaalada Laasqoray oo gacan ku hanteeda kala sheeganaya. |
Iyadoo maalmihii u danbeeyay ay gacan ku haynta magaalada Laasqoray ee ku taal xeebta Badda cas ay la wareegeen ciidamada maamulka Somaliland iyadoo uusan halkaasi horay uga jirin maamul adag oo ka tirsan labada maamul ee iskuhaya gacan ku haynta magaaladaasi.
13-Jul-2008 ::Warkii oo dhan:: |
| |
| Laba nin oo xalay lagu toogtay magaalada Baladwayn iyo labo kalena lagu dhaawacay. |
Waxaa habeenimadii xalay lagu toogtay gudaha magaalada Baladwayne labo nin oo rayid ah iyadoo sidoo kalena lagu dhaawacay labo kale oo oo shacab ah xaafada Buundo wayne ee magaalada Baladwayne ee Gobolka Hiiraan.
13-Jul-2008 ::Warkii oo dhan:: |
| |
| Maxamed Xasan Xaad oo si kulul uga hadlay xasuuqa Dayniile ka dhacay |
Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa Canbaareeyay falka Xasuuqa, Qafaalashada iyo Boobka ay ka wadaan Ciidamada Itoobiya iyo kuwa u adeegah, Degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho.
12-Jul-2008 ::Warkii oo dhan:: |
| |
| Warar kala duwan oo ku saabsan gobolka Sh/Hoose. |
Waraka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobolka sh.hoose ayaa sheegaya in saakay aroornimdii laga helay meydka nin da´diisa lagu qiyaasay 40 jir oo madaxa ay xabad kaga taal inta u dhaxeysa carbiska iyo baar ismaaciil oo ka tirsan degmada afgooye lama oga sababaha dhabta ee ka dambeeysa dilka ninkaasi .
12-Jul-2008 ::Warkii oo dhan:: |
| |
| Stor narkofangst ved grænsen ( Kootarabaan lagu qabtay xuduudka Denmark iyo Jarmalku |
Boooliska Denmark iyo Jarmalka oo si wada jir ah u fuliyey hawul gal lagu qabanayo Qaadka shallay khamiistii todobaatan ka mid ah Booliiska Denmark iyo Jarmalku ayay ku ugaadhsadeen raga daroogada kootaro baanka ah ka ganacsada , hawlgalkaa sida wada jirka ah loo fuliyey ayaa lagu qabtay Soomaali wada baabuur leh nambarka Denmark, oo ay ku jiraan 330 Kiiloo oo qaad ah.
11-Jul-2008 ::Warkii oo dhan:: |
| |
| Heshiis buuxa oo ay wada gaadheen Beelaha Bahararsame iyo Yuusuf Daarood (Awr Table) iyo Baaq Nabade |
Iyadoo maalmihii lasoo dhaafay ay ka socotay magaalada Qorilay wada hadalo u dhaxeeya Labada Beelood ee Qorilay iyo Burtile ayaa waxaa lagu guulaystay in laga gaadho heshiis buuxa xurguftii dhexmartay labadaa Beelood oo ahayd nin ku kala dhintay laba Beelood iyadoo heshiiskaasi kadib ay Odayaasha labada Beelood soo saareen baaq nabadeed.
11-Jul-2008 ::Warkii oo dhan:: |
| |
| Dagaal ka dhacay Gobolka Sh. Hoose oo dhexmaray labo Gudoomiye |
Dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa xalay ku dhex maray Ciidamo raacsan Gudoomiyaha Gobolka Sh. Hoose DFKMG ah ugu qaabilsan gobolkaasi C/Qaadir Sheekh Maxamed iyo nin sheegtay inuu isagu yahay Gudoomiyaha Gobolka oo lagu magacaabo Jaamac Yuusuf Aadan.
11-Jul-2008 ::Warkii oo dhan:: |
| |